ALLOCATING A PORTION OF NATIONAL BUDGET FOR LOCAL GOVERNMENTS

ALLOCATING A PORTION OF NATIONAL BUDGET FOR LOCAL GOVERNMENTS

Garoowe-Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha oo ay waheliyeen saraakiil ka socotay Hayada UCNDF iyo Xafiiska isku xiraha ee Mashruuca JPLG ee (PMU), ayaa khamiistii 08-12-2016 waxaa shir iskugu yimid, ayadoo looga hadlay hormarinta dagmooyinka Puntland iyo in la helo qoondo rasmi ah oo ay dawladdu ku bixiso Hormarka Dagmooyinka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa biloowday baahinta adeega maaliyadeed sanadkii 2009, halkaasoo lagu bilaabay dagmooyinka kala ah Garowe,Bosaso, Gardo, Banderbayla,Jariban iyo Eyl. Dawladdu waxay ku bixisay dhaqaale aad u fara badan oo laga fuliyay mashaariic aad u fara badan.

Ahmed Jawle oo ah xiriirayaha Mashruuca Wasaaradda Maaliyada ayaa ka war bixiyay hawlaha ay wasaaradu qabatay muddadii ugu danbeesay ee ku aadan bixinta qoondada dagmooyinka iyo qaababkii kala duwanaa oo ay soo martay, Ahmed Jawle ayaa Xusay in Dawladdu hadda ay bixisay lacagtii loogu talagalay soo aruurinta xogta ee dagmada Qandala oo dawladda laga rabay inay bixiso wixii kharash ah oo ku baxaya shaqadaas halka Hayadaha ku bahoobay Mashruuca ay bixinayaan labada dagmo oo kale kuwaasoo kala ah Burtinle iyo Goldogob.

Ahmed ayaa xusay in mashruucaan uu hadda ka hawl galo dagmooyin aad u yar balse loo baahan yahay in la sii baahiyo dagmooyinka ka faa’iidaysanaya.

Ahmed Noah oo ka socday Hayadda UNCDF/JPLG ayaa u mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha sida ay iskugu xil qaameen maamulidda iyo Hogaaminta Mashruuca JPLG oo si habsami leh u socda, wuxuu xusay in Dawladdu ay la timaado qorsha fog kaasoo ah in dagmooyin dheeraad ah ay dawladdu u qondeeso tageero dhaqaaleed si hormarka ka socda dalka loo dheelitiro, ayadoo deeq bixiyaashu arrinkaan soo dhaween karaan isla markaasna ay dawladdu ka heli karto kalsooni shacabkeeda iyo beesha caalamka oo tageerta Soomaaliya.

Mohamed Abdirisak oo ka socday JPLG ayaa xusay muhiimada ay leedahay in Dawladda dhakhligeeda dib loogu celiyo shacabka taasoo noqon karta arrin lugu cabiri karo sida ay Dawladdu diyaar ugu tahay hormarka dawladaha Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xusay in Wasaaraddadiisu diyaar u tahay u qareemidda dagmooyinka isla markaasna  Wasaaradu u xil saran tahay, wuxuu xusay in la helo tageero dhaqaale oo hormarinta dagmooyinka ay xoojinayaan kana codsanayaan Wasaarada Maaliyadda in ay il gaar ah ku sameeso.

Wasiirka Wasaaradda ayaa xusay in mar walba ay diyaar u yihiin taaakuleenta dagmooyinka iyo in kor loo qaado qoondada balse wuxuu xusay in marka hore loo xilsaaro Guddi farsamo oo heer Wasaaradeed ah iyo Hayadaha JPLG oo ka tala bixiya qaababka Dawladda dhaxe loo taageeri karo isla markaasna dawladaha hoose u helaan dhaqaale ay ku bixiyaan adeegyada ay shacabkooda u hayaan. Wasiirka wuxuu kaloo xusa, dhaqaalaha dawladdu ku bixiso hormarinta dawladaha hoose inuu aad u yar yahay balse ay diyaar u yihiin in ay kordhiyaan ayadoo la eegayo daruufa iyo baahiya dhabta ah oo ka jira dalka .

Source: http://sahanonline.com/